Skip to main content

HAYAANKII HORUMARKA DAGMADA CEELCADDE

      


Wixii ka danbeeyay bishii koowaad ee sanadi 2016-ki dagmada Ceelcadde waxay noqotay dagmada ugu caansan gobalka Gedo. Waxaa magaceeda lagu daabacay dhammaan wargaysyada aduunka oo afaf kale duwan ku qoran waxayna in muddo ah ahayd meelaha loogu hadal-hayska badanyahay qaarada Afrika.

Caan-bixiddaan ayaa ku timid dagaalki qasaaraha badan lagu gaarsiiyay ciidamadii Kenya ee daganaa dagmada Ceelcadde. Dagaalkaas ka hor way yaraayeen dadki yaqaanay dagmada. Sidoo kale ma dhicin dhacdooyin kale oo waaweyn ama xusid mudan oo ka danbeeyay dagaalkaas oo dagmada soomaray. Intaas waxaa dheer ma dhicin dadaallo lagu caddaynayay wajiga runta ah ee dagmada kuwaasoo garab socday wararka dhiillada iyo colaadda xambaarsan ee dagmada laga sheegayay.

Sidaas awgeed dad badan ayaa arintaas waxay ku dhalisay in dagmadu tahay golo colaadeed iyo meel lama galaay ah. Kuwa badan oo markaas magaca dagmada ugu horaysay waxay u qaateen inay tahay meel aan magaalo ahayn oo xero ciidan ahayd, qaar waxay u qaateen tuulo dhawaan la yab-yabay. Hadaba waxaan jeclaystay inaan bixiyo sawirka dhabta ah dagmada si aysan taariikhda ugu galin sheeko hal waji leh. Dagaalka meesha ka dhacay xaq iyo xaq darro midkuu ahaa kuma saabsana qormadaan ee waxay kaliya tilmaamaysaa in dagmadu leedahay waji ka duwan kan idaacadaha dalka iyo kuwa dunida laga faafiyay.

CEELCADDE WAA TUMA ?

Ceelcadde deegaan ahaan waxa ay dhacdaa bartamaha gobalka Gedo dhul daaqsimeedka joogiisa sareeyo ee diirharo waxa ayna dhanka galbeed 60 km kaga beegantahay magaala-madaxda gobalka gedo ee Garbahaareey.

Dagmada Ceelcadde waxaa la aas aasay xornimadii dalka ka hor afar sano sandkii 1956 waxaa dagmanimadeeda si toos ah loogu aqoonsaday xiligii dawladii kumeel gaarka ee Allaha u raxmadee mudane CABDULAAHI YUUSUF sanadii 2006. Burburkii dawladii dhaxe ee dalka kadib Ceelcadde waxa ay ku tillaabsatay horumaro lataaban karo oo dhinacyo kala duwan ah sida  waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo dhismaha kuwaasoo u suura galisay in ay hesho dagmanimadeeda.

WAXBARASHADA

Schoolkii ugu horeeyay Ceelcadde waxaa lagafuray sanadii 1993 koos oo ka koobnaa uun dugsiga hoose iyo dhexe waxaana maamuli jirtayhay'ada NCA iyo dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale waxbarashada dagmada wax kusoo kordhiyayay hay’ada khayriga ah ee IQRA. Waxaa sanadii   2001-di  ay hay’ada NCA hirgalisay dhismayaal dhagax ah oo ka koobnaa dugsuga hoose iyo dhaxe.

Sanadii 2005-ti waxaa Ceelcadde laga dhisay dugsigii sare ee ugu horeeyay guud ahaan gobalka Gedo burburkii dawlada dhexe ee dalka kadib taas oo ka dhigaysa Ceelcadde hogaanka waxbarashada gobalka Gedo maantay aan joogno. Sanadii 2013-ki Ceelcadde waxaa laga dhisay machadka diiniga ah ee ALFURQAAN kaas oo lagu barto culuumta kala duwan ee diinta ah iyo carabiyada una dhigmo heerka waxbarshada dugsiyada sare taas oo ka dhigan in shahaadada machadka aad ku tagi kartid jaamacadaha dal iyo dibadba.

Sanadii 2014-ki waxaa dagmada ceelcadde laga furay machadka JUBA TECHNICAL COLLEGE kaasoo lagu barto caafimaadka gaar ahaan qaybta Kalkaalisinimada iyo farsamada gacanta waxaa uuna hoos tagaa jaamacada MUQDISHO (Mogdishu University). Machadku waxa uu bixiyaa shahaado labo sano oo diploma ah oo caafimaadka ah taas oo labada sano oo kale aadkasii dhamaysan kartid jaamacada MUQDISHO.

CAAFIMAADKA

Ceelcadde waxay noqotay meealaha ugu wanaagsan xagga adeegga caafimaadka. Waxay kulmisay labo isbitaal oo bulshada u adeega iyo farmashiyayaal badan oo si khaas ah looleeyahay. Labada isbitaal mid ka mid ah oo dagmada laga hirgaliyay sandii 2004 Isbitaalka ayaa heer gobal ah oo dhamaan qalabkii isbitaalu dhamaystiranyahay wuxuuna bulshada ka kaafiyay in ay safar dheer ugalaan raadinta goob caafimaad oo ay isku daweeyaan.

DHAQAALAHA

Ceelcadde dhanka dhaqaalaha waxa ay ku tiirsantahay xoolaha nool, beeraha iyo dadka deegaanka udhashay ee qurba joogta ah. Deegaanka ay dhacdo dagmada Ceelcadde oo uu Eebe ku mannaystay geedaha ayaa ka dhigtay in ay noqoto deeganada ugu xoola dhaqashada wanaagsan guud ahaan dalka gaarahaan gobalka Gedo. Sidoo kale waxaa ay dagmada Ceelcadde leedahay dhul beereed la beerto labada xili ee roobka (guga iyo dayrta), waxaana ka baxa dalagyo kala duwan sida masagada, (labadeeda nooc) digirta, qaraha, sisinta iyo kuwa kale oo badan. Wax soo-saarka beeraha ayaa dagmada ka dhigay mid ilaa xad isku filan xagga quutka la cuno.

DHISMAHA

Sanadahaan danbe Ceelcadde waxaa aad ugusoo badanaayay dhismayaal aad u badan taas oo si aad ah looga dareemay dagmada. Dhismaha sida xooliga ku socdo ayaa keenay kobac dhaqaale kaasoo soo jiitay dad badan ka yimid deeganada ku xeeran dagmada iyo meelo ka durugsan intaba. Dadka kasoo guurayo miyga, kuwa soo raacay nolosha ka jirto dagmada iyo kuwa kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay deegaanada kala duwan ee dalka ayaa si aad ah u kordhiyay tirada dadka ku nool dagmada.

Nabadda
Horumarka balaaran ee aan kor kusoo xusnay waxaa saldhig u ahaa xasiloonida ka jirtayCeelcadde. Dadka ku nool dagmada oo ah dad nabadeed iyo cuqaal waayo arag ahaa oo dagmada taladeeda gacanta ku hayay ayaa suuragaliyay in dagmadu ka badbaaddo dagaaladi foosha xumaa ee qabaailllada ree Gedo u dhaxeeyay.  Inkastoo ay marar kala duwan dagaalo siyaasadeed ay ka dhaceen Ceelcadde, marnaba kama aysan qayb qaadan dagaaladi wajiyada badnaa ee gobalka soo maray.

Mowqifkaan wanaagsan ee dagmadu qaadataywaxay horseeday in Ceelcadde loo aqoonsado dagamada nabadda ee gobalka Gedo. Waxay noqotay madal lagu soo hirto dadkuna ku nabadgalaan. Hasa ahaatee, ayaamihi danbe waxaadagmada saameeyay dagaalo siyaasadeed ooaysan iyadu dooran dadkeeduna aysan qayb kaahayn.

Gunaanad

Ceelcadde waxay ka mid tahay dagmooyinka da’da yar hadana sida xowliga ah u koray. Waxay samaysay horumar balaaran oo dhinacyo badan ah waxayna siyaabo kala duwan usoo jiidatay indhaha caalamka iyo kuwa dalka. Waxay tusaale fiican u noqotay dagmooyinka Jubaland waxayna ku tilmaamantahay nabad, waxbarasho iyo dad-diimeed. Ceelcadde waxay hiigsanaysaa mustaqbalka dhow inay noqoto magaalada ugu camiran uguna dadka badan gobalka Gedo.

Wabillaahi tawfiiq.

W.Q. Cabdikariin cismaan Cabdi-Yarow
Email: yaroow002@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *