
Sheekadaan
maahan mid shaqsi lagu dhaliilayo ama lagu amaanayo ee waa mid loola jeedo inay
cashar ka bartaan caruurteena tusaale fiicana u noqoto kuweena waqti badan ka lumay
hadana meel ay ka billaabaan garan la’ sidaa darteed ku aqri qalbi furan oo
cashar qaadasho diyaar u ah.
Cabdullahi waxa
uu ku dhashay muqdishu wax yar un ka hor dagaalki sokeeyo. Qoyskiisu waxa uu ka
mid noqday dadkii ka qaxay Xamar waxay haysteen oo dhanna kaga yimid caasimada.
Waxay soo dageen dagmada Garbahareey oo ay guri dhab ah ka dhigteen wixii ka
danbeeyay waqtigaas.
1993-di
Cabdullahi waxaa la geeyay iskoolki ugu horeeyay ee magaalada laga furo tan iyo
marki ay dhacday dowladdi kasoo ay howl galisay ilaa maantana ay gacanta ku
hayso hay’adda NCA. Sidoo kale, Cabdullahi waxaa la geeyay dugsi Qur’aan kasoo
aan anigu kabiir ugu ahaa sandihii 1994-ti ilaa 1995-ti. Cabdullahi wuxuu
noqday arday maskax furan kuna fiican wax barashada taasoo dhiiri galisay
aabihii Sheekh Xusseen Allaha u raxmadee.
Aaabihi oo ahaa
culumo, af-gaaban, dantiis aqoodna ah, waqtigaasna haystay shaqo wanaagan oo qoyskiisa
ka dhigtay mid ka mid ah kuwa ugu nolosha fiican magaalada ayaa Cabdullahi la
damcay himilo sare iyo inuu qaado dariiqiisa. Gacanta ayuu ku qabtay waxa uuna
hubiyay inuu mashquul ku ahaado waxbarasho.
iskoolka iyo dugsiga uu Qur’aanka ku barto waxa uu ugu daray inuu geeyo
casharada diiniga ah ee masaajidka ka baxo. Wayaadaas waa markii uu Sheekh
Xuseen dheere Allaha xafidee magaalada yimid oo uu ka billaabay darsigii
naxawaha carabiga, dad kuna aad xiise ugu hayeen.
Cabdullahi
Qur’aanki waa xafiday, iskoolki oo ku ekkaa fasalka shanaadna waa uu dhameeyay
laakiin markaan waxaa uu noqday kuray xoog leh waana isu soo shiiray. Isbadalka
ku dhacay jirkiisa sida uu la qabo kuwa aynigaas ah ee aduunka ku nool, waxa uu
keenay inuu noqdo qof kale. Maahan Cabdullahigii aabihii maqli jiray, maahan
ninkii waxbarashada jeclaa, maahan ninkii salaadda amin hore u kici jiray. Waxaa
is badalay dhamaan dabeecadihii wanaagsanaa ee aabihii rajo galiyay.
Dagaal kulul
ayaa ka dhex curtay isaga iyo aabihii. Cabdullaahi saacad shanlaysi iyo
is-toostoosin ah ka dib wuxuu aadaa suuqa oo uusan wax camal ah ka qaban.
Casarkiina wuxuu isku jaqanjooqiyaa daba-gaab iyo kabo isboortis oo kubbad ayuu
buraashadda u dhaansadaa. Dhinaca kale aabihii usha ayaa garabka u saaran oo
inuu dabcigaan cusub xoog ku badalo ayuu rabaa. Wixii dhuyac dhulka ku yaalay
dhabarka cabdullahi ayayay ku dhamaadeen laakiin waxbo waa ka badali wayday ugu
danbayna aabihii ushi waa dhigay waxa uuna go’aansaday inuu isaga ka dhursugo.
Garbahareey oo can ku ah inay dhalintu ka
haajiraan, Cabdullahi waa hayn wayday sidaa owgeed waxa uu go’aansaday inuu
isaga tago. Maadaama uu ogaa in aabihii waxbarasho la jecelyahay waxa uu u
keenay in Xamar waxbarasho loogu diro. Aabihii oo aad ugu farxay soo noqoshada
cabdullahi balse aanan ogayn qorshaha u qarsoon ayaa dag-dag ku aqbalay
codsigii wiilkiisa.
Cabdullahi Xamar
ayuu tagay iskool madax qarsi ahna waa bilaabay, aabihiina lacag ayuu kusuu
hurgufay si uu maadooyin kala duwan u qaato watigii la lumayna ooga daba tago.
Maadaama ujeedka Cabdullahi uusan waxbarsho ahayn, muddo yar ka dib Xamar waa
uu ka xiiso dhacay sidaa darteed isagoon cidna u sheegin ayuu Garbahaareey
gaari usoo fuulay. Wiilkii jaamacadda loo diyaarinayay oo guriga kaadkiisa
taagan ayaa la arkay, yaab iyo amakaak ayay aabihii ku noqotay aad ayuuna ooga
xumaaday.
Wixii cusub
caalamkaa jecele, waqtigaan uu Cabdullahi Garbahaareey kusoo laabtay, waxay
ahayd marki dagaaladii itixaad iyo SNF socdeen sidaa darteed wiilasha magaalada
ugu shidan waa kuwa qoryaha wato. Cabdullahi waxa uu u xiisay qoriga iyo
tuutaha isku qoofalan ee dhalinta la ek ay xiran yihiin. Waxaa uu isku dayay
inuu ku biro maleeshiyaadki hubaysaa laakiin aabihii ayaa yiri geeri ayaan ka
xigaa inaad aniga I xabaasho marka hore ayaad qori ku qaadan kartaa. Arintaas
Cabdullahi meel uu ka maro waa waayay waana aqbalay laakiin waxay furtay fursad
kale oo aabihii qorshe kale ku marsiisan karo.
Cabdullahi oo
bartay meesha aabihii ka jilicsanyahay ayaa la yimid qorshe kale oo ahaa in
waxbarasho Nayroobi loogu diro, aabihiina waa aqbalay oo ugu yaraan inuu qori
qaato ayuu ka badbaadi ayuu is yiri sidaas ayaana mar kale Cabdullaahi oo
sifiican loo sahayay Nayroobi loogu diray.
Nayroobi waxaa
uu ka bilaabay barashada luuqada Ingiriiska laakiin isla markiiba waxaa ku
dhacay cudurka buufiska oo Nayroobi si baahansan ooga socday waqtigaas. Abihii
waxaa uu usoo diraa lacag uu wax ku barto dhinaca kale isagoo kaashanayo dad
kale ayuu u raadinayay waxbarasho sare oo wadamo kale ah ugu danbayna waxaa
usoo baxday jaamacad Pakistaan ah. Laakiin cabdullaahi waxbarashada waa ku lafa
ruugaaye inuu wax barto uma jeedo.
Meeshi laga
filayay inuu jaamacadda Pakistaan u aado, mar kale ayaa la arkay isagoo aqalki
hooyadii ee Garbahaareey muskiisa taagan. Yaab badanaa! War maxaa ku keenay oo
aad soo doontay? Meeday jaamacaddi waqtiga iyo qarashki nooga baxay? Ayuu
waydiiyay aabihii. Si kooban ayuu Cabdullahi ku yiri anigu dhoofitaan ayaan
rabaa ee I dhoofi markaan dibada tago ayaan waxbaran doonaaye.
Markaan aabihii
xaqiiqda cabdullaahi ayuu fahmay, waxa uuna isku qanciyay kan haddaad isku
dhoofiso kaniisada iyo ama meelaha khamriga lagu dhamo ayuu safka hore noqon.
Waxa uu ku yiri waan ku siiyay fursad kasta oo aan awooday, waqti iyo maalba
waan ku bixiyay inaad dad noqoto laakiin meel uma socotid marka magaalada
dhinac ka gal oo sida aad adigu jeceshahay yeel.
Cabdullahi waxa
uu aqbalay saaqidnimadi, kubbad cayaar, suuq wareeg iyo caruuraynti ayuu iska
watay isagoo labaatan jir ah. Sidoo kale waxa uu bartay sida baabuurta loo wado
waxa uuna jeclaaday inuu wade ka noqdo gaari ay lahaayeen oo hay’ad u kiraysnaa.
Aabihi ayaa ku yiri haddii aad shaqo diyaar u tahay mid aad adigu ku shaqaysato
ayaan kuu iibin isaguna waa yeelay.
Balse shaqadii
cusbayd ee Cabdullahi waxay galisay bad kale oo beerta ayuu sifiican u
tiimbaday. Caruuraynti barjayn iyo soo jeed badan ayuu ku daray. Inkastoo uu
xanta maqlay aabihii waxba kama uusan qaban Karin oo markaan Cabdullaahi waa
nin weyn. Cabdullahi oo gaarigi ku shaqaysto howlihiisana iska wato balse damac
leh ayuu geeriyooday aabihii Allaha u raxmadee.
Geeridi aabe waxay keentay in Cabdullahi
masuuliyad badan la wareego: baabuurki uu isagu waday iyo kii hay’adda u
kiraysnaa maamulkooda, ka warqabka caruurta kale iyo caawinta hooyadii.
Inkastoo Cabdullaahi masuuliyaddaas uu qaatay iskuna dayay inuu caawiyo reerka
waxaa aad oogu mashquuliayay howlihii uu ku jiray oo markaan uu xorriyad
dheeraad ah u helay. Baabuur qurux badan iyo shaqo hay’adeed ayuu isla helay.
Habaynba inuu magaalo ku caweeyo ayay noqotay dhalintuna daba yaacaan.
Caano daatay dabadoodaa la qabtaa
In kastoo wajiga
nuurayo, labiska quruxda badan ee uu xiranyahay iyo dhoolla cadaynta uu dadka
tuso darteed ay dadku u haysteen inuu farxad ku noolyahay, Cabdullahi qalbiga
ayuu ka gubanayay. Walwalka iyo walbahaarka ay abuurtay dunuubta caadada uu ka
dhigtay iyo saaqidnimada kusii kordhayso ayaa dhimbilo dab ah ku shiday
laabtiisa. Su’aalo aan dhamaad lahayn jawaabna uusan hayn, qorshe maalinle ah
balse aan lagu dhaqaaqin iyo walwalka ka hayo noloshiisa sii lumayso ayaa ku
cariiriyay dhulki waasaca ahaa. Maanta ma uu hayo cid uu qorshe kale u keeno.
Ma uu hayo qof uu isku halayn karo haduu is badali lahaa. Sidoo kale kuma
kalsoona in dib loo aamini doono hadduu yiraahdo waan toobad keenay waana
toosayaa. Laalaabkii hore ee lagu bartay ayaa dhammaan albaabadi ka xirtay.
Dhowr jeer ayuu
saaxibadii kusoo qaaday inuusan ku faraxsanayn nolosha uu ku jiro, jecelyahayna
inuu isaga baxo oo uu wax barto laakiin saaxiibadaa oo noloshiisa aan dan ka
lahayn waa ay niyad jabiyeen waxa ayna ku qanciyeen inuusan waligiis helayn
waxa uu maanta haysto hadii uu ka tago. Qaar waxay ku yiraahdeen wax ma barin
kartide waqtiga ha iska lumin. Qaar waaba ku qoslayn oo waxay ku yiraahdeen
sheekadii waalida iyo buug aan wax lagu keenayn wadashada ahayd miyaad rabtaa
inaad gasho.
Habayn ayuu
Cabdullahi go’aan dhab ah gaaray. Haa go’aan aan ka noqosho lahayn wax walba oo
dhaca. Hadduu taageero helo iyo hadiiba kalaba inuu isbadalo oo nolashiisana
saxo ayuu go’aan ku gaaray. Waxaa uu wareejiyay gaarigii uu waday, waxaa uu
iska casilay shaqadii uu hayay, wuxuu iskubaanka garabka u gashaday Nayroobi oo
uu markaan si dhab ah ugu xeraystay.
Hooyo intaan noolahay wax waayi mayside
horay u soco
Waa uu ka
dhabeeyay go’aankiisi waxbarasho ayuuna ka bilaabay Nayroobi, intuu waday
barashada luuqada iyo maadooyinka kale ee looga baahnaa inuu jaamacad galo wuxuu
sii waday raadinta jaamacad aqbasho. Balse caqabadda hadda haysato waa helidaa
cidii bixin lahayd waxbrashadiisa. Hooyadii wajiga ma siin karo oo wuxuu ka
cabsi qabaa inay tiraahdo riwaayad kale miyaad ii jilaysaa sidaa darteed waxa
uu la xariiray qaraabo uu dibadda ku lahaa oo uu waydiisatay inay ka dhiibaan
qarashaadka waxbarashada balse waa uu ku hungoobay.
Jaamacadi ayaa usoo baxday isagoon hayn cid
damaanad qaado noloshiisa, ugu danbayna waxay huri wayday inuu hooyadii la
hadlo una xog waramo. Hooyadii ayaa ku tiri haddii ay kaa daacad tahay wax
waayi mayside horay u soco sidaas ayuuna Hindiya ku aaday oo jaamacad ooga
bilaabay.
Cabdullahi waxaa
uu dhamaystay darajadi koowaad ee jaamacadda (Degree), hadaba wuxuu isku garab
wadaa labo master (darajada labaad ee jaamacada) oo kala ah MBA .master of
business administration iyo MA master of public administration oo bilo kaliya
oo dhiman yihiin. Sidoo kale, si uu waqtiga yare e u soo haray ooga faaiidaysto
waxaa uu bartaa koorsooyin kumbiyuutar ah oo hadda uu ku dhowyahay inuu
shahaado sare ka qaato.
Cabdullahi
maahan doob dab iyo reer laawe ah oo u go’ay waxbarasho ee waa xaasle aabo ah
si fiicana reerkiisa u dhaqdo. Sidoo kale wuxuu caawiyaa dadka soomaaliyeed ee
danaha kala duwan u yimaado magaalada uu ku noolyahay ee Haydarabaad taasoo uu
ku kasbaday sumcad keentay in la isaga soo tilmaamo meelo badan.
Maxay na baraysaa sheekadaan?
Sheekada
Cabdullahi waxay na baraysaa inay saaqidnimadu aysan ahayn calaf laguu qoray ee
ay tahay wax aad adigu dooratay haddii aad doontana aad badali karto. Sidoo
kale waxay na baraysaa in saaxiibadaada xun ay saamayn weyn ku leeyihiin
fasaadka noloshaada sidaa awgeedna ay muhiim tahay inaad la saaxiibto dad
wanaagsan.
Dhakinta da’da yare
e hadda ku socoto dariiqi uu qaaday Cabdullahi marki uu yaraa hadda ha wajaheen
howl ay kusoo noqon doonaan toban sano jeer xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Haddii uu waqti
badan kaa lumay, waalidkaa kaa quusteen, xoolo badan aad lumisay ha quusan ee
is daba qabo, is badal dhab ahna same. Waxbarashadu ma lahan waqti ay ku
ektahay ee mid furan inta ay naftu kugu jirto.
W/Q Ibrahim Aden
Shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Comments
Post a Comment