Skip to main content

Ma qasabbaa in lahjad gooni ah wax lagu qoro?



Waayadi aan Yurub ku cusbaa ayaa waxaa doodo na dhexmari jireen dhalin yaro aan saaxiibo ahayn oo aanan isku gobol ka imaan. Dhalintaan ayaa ku doodi jirtay in waayadi ay dowladdi dhexe jirtay lagu qasbi jiray barashada lahjad dad gaar ah leeyihiin iyadoo loo maray iskoolada buugta lagu dhigo.

Anigu waan kuu diidi jiray figradaas waxaana doodi jiray ma ahayn qasab  ama arin ula kac loo sameeyay ee, si ay ku dhacdayba, dadki noo turjumay buugta, erey-boxintana noo sameeyay ayaa hal deegaan kasoo jeeday (ugu yaraan intooda badan) iyaguna lahjaddi ay yaqaaneen ayay wax ku qoreen.

Ilaa hadda fakarkaas waan qabaa. Allaha ka ajarsiiyee dadkii buugta aqoonta noo turjumay ee sida quruxda badan, oo mararka qaar aan la tacajubo sida ay ugu suura gashay in aqoon intaa la eg sidaan isu waafajiyaan iyagoon haysan agab iyo aalado saacido, isu saaray erayo iyo jaantusyo is fasirayo, qalad ma aysan galin, ujeedkoodana maahayn inay lahjadooda nagu qasbaan. Hasa yeeshee, hadda waxaan u garaabay dhalintii caban jirtay.

Sabab?

Dadaalki ay sameeyeen aqoon-yahaniinti buugta noo qortay iyo niyad samadi soomaalidu ku qaabishay, waxaa si qalad ah u isticmaalay kuwa laga yaabo inay geel la joogeen ama qaliyaad u fadhiyeen marki wax la qorayay. Sidee?

Bilihii la soo dhaafay ayaan waxaan la kulmayay qoraalo kala duwan oo lagu dhaleecaynayo lahjaddaha ay ku hadlaan shaqaalaha laanta afka soomaaliga ee BBC-da. Inta badan waxaa la haystay qoraalo ay soo dhigeen bogga idaacada. Labo arimood ayaa lagu haystay: kow higgaada ereyada ay qoreen. Labo, lahjadda ay isticmaaleen. Tan hore dood kama qabo oo qof walba qasab ayay ku tahay inuu saxo higgaada, iyo hab-qoraalka waxa uu qorayo, wuxuu qalinku ka xado oo qalad ku dhaco mooyee.

Laakiin midda labaad waa lagu fogaaday ilaa mid ka mid ah dadkii wax ka qoray uu dhaleecaytiisa ku billaabay “qolyaha Kikuuyada ah ee BBC-da wax ku qoro” taasoo uu ula jeeday inaysanba Soomaali ahayn. Tolow ma inaysan isticmaalin lahjadda tuulada uu ka yimid looga hadlo ayaa soomaali-nimada ka saartay mise wax kale ayaa jiro?

Waxaan isku dayay inaan fahmo qaladaadka ku jiro qoraalada BBC-da. Waxa kaliya ee isoo baxay dadkuna ku haysteen waa inay ku qoraan lahjadda looga hadlo meelaha ay kasoo jeedaan oo aysan isticmaalin erayo iyo xarfo kuwa buuqayo deegaankooda looga hadlo.

Arintaas waxaan u arkay xad-gudub lagu sameeyay shaqaalaha BBC-da iyo kuwa la mid ah ee lahjadooda wax ku qoro waayo ma jirto wax ku qasbayo inay qoraan mid aysan aqoon. Tusaale, haddii aan isticmaalo weedha “xaad sheegtay” markaan hadlayo kuma qasbani inaan qoro “maxaad sheegtay” markaan qorayo. Sababtu waa inay yihiin labo eray oo afsoomaali ah, dad soomaaliyeed oo dhulka iyo afka u simanna ku hadlaan. Sidaa darteed kaada tuur keygaa ka fiicane waaa midaan ha haboonayn.

Ma jirtaa lahjad lagu heshiiyay in af-soomaliga lagu qoro?

Dad badan ayaa ku doodo af-soomaaliga waa in lagu qoraa lahjadda gobolada dhexe. Waxay sheegtaan inay sidaas lagu heshiiyay marki la qorayay farta soomaliga. Anigu ma arag qoraal caddaynayo arintaas iyo marqaati kale toona (ciddi hayso waxaan ka codsanayaa inay isoo diraan). Haddii ay jirtaba waxaan ognahay in gudigii loo saaray inay qoraan farta soomaaliga shaqadoodu ahayd kala saarida farihii badnaa ee lasoo bandhigay ee aysan howshoodu ahayn kala dooridda lahjadaha gobollada soomaaliya looga hadlo. Haddiiba ay dhacday inay ka doodeen ma ahaayeen kuwa wada matalo gobollada soomaaliya mise waxay ahaayeen dad kasoo jeeday deegaano isku-dhow tiro ahaanna yar?

Sidoo kale, dowladdi waxay dhacday farta oo aan wali labaatan jirsan sidaa darteed wax badan oo hagaajin iyo toos-toosin ah ayaa ka dhimanaa ilaa maantana way taagan tahay howshaas oo shaqo badan ayay rabtaa horumarinta far-soomaaligu. Haddise qof ku doodo maa lagu qoro lahjadda loo badan yahay waxaan leenahay kuma heshiin karno midda loo badan yahay mana jirto tiro koob sax oo la aamini karo oo lagu sameeyay lahjadda loo badan yahay.

Waxaan kusoo koobaayaa inaan aqbalno inay lahjadaheenu kala duwan yihiin waxay ka mid tahay il-baxnimada. Soomaliga Gaarisa dagan iyo midka Garawe ku nool waa u siman yihiin afka iyagoo kala lahjad duwan. Inaan isku tixgalinno waxa aan ku kala duwanahay oo ama dhaqan ah ama lahjad ahna waa midda kaliya ee wada noolaasho iyo nabad aan ku gaari karno. Inta uu jiro damac ah sad-bursi iyo anigaa dadka ugu fiicane sidaan u qufoco u quffac dib u dhac iyo dagaal aan dhamaad lahayn ayaan ku jiraynaa.

Inta la gaarayo waqti la helo cid ka shaqayso howlaha naga qabyiga ah oo meel dhexe iyo far iyo lahjad aan isla ogalnahay noo samayso waa inaan ixtiraamnaa qof kasta lahjadiisa iyo sida uu u hadlo ama u qoro.

W/Q Ibrahim Aden Shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk





Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *