Skip to main content

Horumarka Gobalka Gedo: Doorki Xaaji Islaam


                                      

waxaan is xasuusinaynaa in ujeedku qormadu uusan ahayn xayaysiin ama ammaan shaqsiy gaar ah lala doonay, balse uu yahay mahadnaq aanu ugu mahad celinayno dadkii ka qayb qaatay horumarinta dalkeenna iyo dadkeenna. 

Xadiis sugan ayaa macnihiisu ahaa marki la isu geeyo riwaayadahiisa kale duwan "Qofki wanaag loo sameeyo ha gudo, haddii usan gudi karin ha sheeg-sheego, waayo qof ka sheego wanaaga loo galay waa mahad-celiyay; qof kii qariyana waa ku kufriyay abaalki loo galay" xadiis kale waa kii lahaa "Eebe kuma shugriyo qofkaan dadka ku shugrin". 

Sidaa darteed dhinac waxaan gudanaynaa waajib na saaran dhinacna waxaan u mahad-naqaynaa dadkii abaalka noo galay. Maadaama aanan u samayn karin wanaaga ay noo galeen oo kale, waa inaan ka shakayno si aynu ugu dhaqanno xadiis kor ku xusan. 

Dadka Eebe uumay halka qaar ay ka fakarayaan maxaad cuntaa iyo xageed ka qarabataa, qaar ayaa wal-wal iyo walbahaar ka hayaa sidii uu dadkoodu dhibka ooga bixi lahaa. Kuwa hurdadi ka ladi waayay il-xumada tolkood, waxaa ka mid ahaa Maxamuud Caafi Mire oo loo yaqaan Xaji Islaam. Xaajigu wuxuu dadaal badan oo noocyo kala duwan leh u sameeyay in dadka ree Gedo gaar ahaan Buurdhuubo iyo nawaaxigeeda jahliga diimeed ka baxaan. Waxaa uu yiri mar uu ka waramayay siduu xaalku ahaan jiray iyo muragadii ka haysay.
Dadku wuxuu ahaa reer miyi aqoontuna aad ayay u yarayd. Meesha ugu dhow oo culimo meel fadhido loo aado waxay ahayd Baardheere. Waxaan aad ooga walwalay aqoon la’aanta dadka hayso. Maalin ayaa anigoo socoto ah kusoo dhacay ceel ku yaalo buurta Tulli oo aan Buurdhuubo ka fogayn. Geed qabow ayaan yara harsaday, balse waxaa qalbigaya ku gadgadoomay culimo la’aanta carada taal. Meeshi ayaan ku Alle baryay waxaana iri Ilaahow tolkeey wadaad wax baro xaggaada ooga soo dir. Muddo aan dheerayn ka dib waxaa geedki laftiisi soo fadhiistay Sheekh Axmed Goleey.

Sheekh Axmed Goleey waxaa uu u ahaa faqiih wayadii danbe sal-dhigtay Buurdhuubo, joogitaankiisana ayay sasab u noqdeen Xaaji Islaam iyo Akhiyaar kale. Goleey waxaa loola jeedaa xaggaa iyo gosha (wabiga jiinkiisa) ayuu ka yimid oo tilmaan (nisbo) ee maahan qabiil. Sheekh Goleey aad ayaa loogu raystay waxaana ka aflaxay fuqaho badan.

Sheegashada Xaajiga waxaa ka marqaati kacayo ficiladiisi aan kala go’a lahayn ee ku adaana faafinta dacwada iyo u kaalmaynta kuwa cilmi doonka ah. Allaha u raxmadee Xaajigu wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Buurdhuubo, oo ah dagmada siddeedaad ee gobalka Gedo, aasaasay. Waxaa la soo dagay dagmada dhulka oo bannaan qof walbana waxaa uu ootay intuu doono.

Xaajigu Wuxuu degay dhul baaxadiisu dhammayd 1km oo isku wareeg ah. Halka dadki kale ay billaabeen inay guryo iyo dukaamo ka dhistaan dhulkii bannaanaa ee ay dageen qaarna sii iibiyaan, xaajigu wuxuu ka dhisay dhulkiisi masaajid iyo madaraso Quraan ka lugu barto. Sidoo kale waxaa uu dhisay mundulo iyo barsooyin waaweyn oo ay ku soo hirtaan cid kasta oo cilmi doon ah. Madarasadi Qur’aanka waxay noqotay madasha taxfiidka Qur’aanka Buurdhuubo waxaana si rasmi ah u fadhiistay macalimiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen macalin Cabdullahi Muxumed Siraad iyo macalin Maxamed Aadan Galdhow oo noqday macalin barakaysan oo 80% caruurti soo martay Qur’aanka xafideen.

Xaaji Islaam oo dareensanaa baahida xertu u qabto biyo aktooda yaal ayaa isku dayey inuu ceel ka qodo dhulki uu waqfay si looga maarmo wabiga oon sidaa uga dheerayn. Nasiib darrase ma dhicin in ceelkii biyo laga helo sababta oo ahayd iyadoo biyihu ka foogaayeen inta la filayay qalab intaas ka badan lagu qodana aan la hayn. Hase yeeshee wuxuu badalki ceelka dhisay barkad biyaha lugu kaydiyo loogana maarmo dhabar-aroorka wabiga.

Xaaji islaam danta caamka ee uu yahay kuma uusan heli jirin taageero dowladeed iyo mid shaqsiyadeed. Sidoo kale kama uusan  mid ahayn culimadii siyaarada loo keeni jiray kuna masruufi jiray xertooda iyo reerkooda. Xaajigu waxa uu maali jiray xooggiisa xertiisana ka noolyan jiray. Waxaa uu lahaa beer iyo xoolo nool waxa halkaas kasoo baxo ayaana quud u ahaa isaga iyo intii ku xeernayd.

Waxaa xusid mudan in waagaan ay ahayd marki Soomaaliya ugu xoogga badnayd, dadkuna dowladda xaggeeda un dhowrayeen. Sidoo kale, xaajigu waxaa ka yimid miyi oo uu ku waynaaday hadana qaab uu u fakarayay iyo sida uu bulshada u abaabulayay waxaad moodaa inuu jaamacad ooga soo baxay taakulaynta bulshada. Dadaalkiisi iyo dhaqdhaqaaqiisi waxaa ku dayday dad badan wayadii danbana Buurdhuubo waxa ay lahayd waxbarasho diimeed oo balaaran iyo xero badan oo ay kala hogaaminayeen culimo meelo kala duwan ka timid.
Shaqsiyadiisi

Intaas waxaa dheer in xaajigu ahaa xalaal miirad noociisu gayiga soomaaliya uu ku yaraa. Tusaalooyinka la yaabka leh waxaa ka mid ah inuu gabi ahaanba liiskiisa cunada ka saaray hilib oo dhan iyo Masagada moordida, shamuurey ama yaryareey-da hadba kaad u taqaan, wax yar ka dib dhicitaankii dowladda dhexe. Sababtu maahan inuu markiisi hore hilib feeraha ka keenay oo uu kolostorool iyo dhiig-kar ka cabsi qabay sidoo kale maahayn inuu bac iyo buufis qabay ee waxay ahayd sabab aan ka qarsoonayn qof walba waqtigaas Gedo ku noolaa. Waxaa batay dhaca xoolaha nool. Waxaa suuqyada buux-dhaafiyay ari, lo’ iyo geel laga soo dhacay dad masaakiin ah. Waxaa sidoo kale si aan kala sooc lahayn suuqyada loogu gadayay masago dadki lahaa gaajo torob-torob ugu la’anayeen; sidaa darteed waxaa isku milmay xalaashi iyo xaaraanti oo gaartay inuu ka badbaadi karo kaliya qofki isaga dheeraado.

Xaajigu wuxuu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee Xajka lugta ku tagay ee gobalada koofureed gaar ahan Gedo. Xilliyo kala duwan ayuu guriga Eebe soo booqday. Markii ugu horaysay wuxuu, 1964-tii, lugeeyay Baardhere ilaa Jabuuti halkaas ayuu markab ka raacay dabadeedna kaga degay Sanca Yeman, ka dibna lugtuu Sanca ka billaabay ayuu ku xajiyey.

Marki u dhacay qixii iyo jawahawareerki dalka qabsaday dadkiina kala yaacay oo la waayay xer cilmi barasho meel u fadhiisato, xaajigu ma uusan quusan mana dayn ka shaqaynta wanaaga iyo samafalka uu dad iyo duunyaba uu u fidinayo wuxuuna xoogga saaray inuu xooggiisa sadaqaysto intuu socon karo, sidaa darteed wuxuu xaajigu isu badelay beero qodoto.

Inkastoo uu da' ahaa hadana wuu wax soo saar badaa xayn iskaashata ah oo Eebe ayaa awoodisa ka dhigay mid tayo leh. Gabar uu adeer u yahay ayaa maalin ku tiri Aabo da'na waa tahay waxaad cuntana maadan waayine maxaad beerahaan iskugu dilaysaa maad ugu yaraan wax yar oo kugu filan tabcatid? Wuxuu ugu jawaabay "Aabo dadka iska daaye Quraanjada ka cabaysa ayaan ajarkeeda rajaynayaa".

Hadalka Xaajiga ayaa tusinayo sida ay uga go’nayd samafal gaaro noolaha oo dhan. Waa tayo ay yartahay dadka leh waana masiir Eebe ku qaas yeelay inta uu jecelyahay. Inkastoo ay jiraan dad badan oo samafal badan sameeyo oo gaalo iyo islaamba leh hadana waxaa la isku dhaafay niyada wanaagsan iyo ujeedka aad ka leedahay waana tan xaajiga ka dhex saartay dadka kale.

Sidaa uu u caawiyo bulshada guud ayuu Xaajigu qaraabada dhow ugu roonaa gaar ahaan dhalinta aqoon doonka ah ee kasoo dhuumato miyiga gurigiisa ayaa hoy u ahayd. Waqti aan fogayn ayaa baadiye waxaa kasoo dhuuntay wiil uu adeer u yahay isagana kusoo hirtay. Dhowr bari ka dib waxaa tarki hollow-holow-ga ee soomaali oo dhan wada maqli jirtay soo fadhiistay wiilki aabihii waxaa uuna yiri xaajiga iigu yeera.

Xaajiga oo waayeel ah ayaa taarki la keenay walaalki ayaana ku yiri “xaaji xilli kulul ayaa lagu jiraa xoolahana waa iga liitaan ee wiilka isoo celi abaarta ha iga saaree”. Xaajiga ayaa ugu jawaabay Maxamed ma i maqashaa adiga, xoolahadaa iyo inta kula daganba alif wax ma leh ayaa ka fiican ka dibna waa iska tagay.

Wiilki isaga ahaa waxaa uu noqday ninki ugu horeeyay ee tobanka qiro ee Qur’aanka xafidsan ee ree Gedo ah (intaan ogahay, way dhici kartaa dad Gedo kasoo jeeday oo qirooyinka bartay inay jiraan laakiin meelo kale ku nool). Waa macalin CabdulQaadir maxamed Caafi oo ah macalinka madaxda ka ah kuliyada qiraa’aadka Abuu-Camar ee mac'hadka Imaamu-Nawawi ee Garbahaareey. Waxaa Eebe ku bad-qabtay jeceylki Xaaji Islaam u qabay barashada diinta, haddii uu maalintaas baadiye u celin lahaa waxay u badantahay inuu maanta isagoo habeed leh geela la joogi lahaa.

 Allaha u raxmadee Xaaji Islaam wuxuu ka mid ahaa cuqaasha iyo culimada gobalka Gedo. wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashi dagmada Buurdhuubo, wuxuuna ahaa aabaha waxbarashada Buurdhuubo. wuxuu ahaa caabid xalaal miirad ah, indheer-garad ka horeeyay daki uu la noolaa, howl-kar ma daale ah, miskiin koris ay martidu tilmaansato, samafale dad iyo duunyaba asxaankkisu gaaray. Eebe ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday dagmadi uu aasaasay sanadi 2003-dii isagoo 81 jir ah. 

Talo Bixin
Waxaan ku khatimayaa qormadadaan farrin aan u dirayo dhammaan carrurta xaajiga, kuwa uu adeerka u yahay, kuwii uu soo koriyay waxna soo baray, kuwii madarasadi uu dhisay wax ku baratay iyo kuwii si un uga faaiidaystay dadaalkiisi. Waxaan idin leeyahay Xaajiga xusa, waxaad ku xustaana waxaa ugu fiican inaad shaqadiisi sii waddaan. Waxaan dhihi lahaa dib ha loo nooleeyo madarsadiisi, hana lagu maamuuso magaciisa markas ay wax ku bartaan dadka cilmi doonka ah ee duruufuhu haystaan.

Ibrahim Aden shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *