waxaan is xasuusinaynaa in ujeedku qormadu uusan ahayn xayaysiin ama ammaan shaqsiy gaar ah lala doonay, balse uu yahay mahadnaq aanu ugu mahad celinayno dadkii ka qayb qaatay horumarinta dalkeenna iyo dadkeenna. Xadiis sugan ayaa macnihiisu ahaa marki la isu geeyo riwaayadahiisa kale duwan "Qofki wanaag loo sameeyo ha gudo, haddii usan gudi karin ha sheeg-sheego, waayo qof ka sheego wanaaga loo galay waa mahad-celiyay; qof kii qariyana waa ku kufriyay abaalki loo galay" xadiis kale waa kii lahaa "Eebe kuma shugriyo qofkaan dadka ku shugrin". Sidaa darteed dhinac waxaan gudanaynaa waajib na saaran dhinacna waxaan u mahad-naqaynaa dadkii abaalka noo galay. Maadaama aanan u samayn karin wanaaga ay noo galeen oo kale, waa inaan ka shakayno si aynu ugu dhaqanno xadiis kor ku xusan. Dadka Eebe uumay halka qaar ay ka fa...