Skip to main content

Waxbarasho: Maxaan ka baran karnaa Nidaamka iskoollada Xisaabta ee Shanghai

                                                 
Sanadahaan danbe qaar badan oo ka mid ah dowladaha reer Galbeedka oo uu Ingirrisku ku jiro ayaa safar u galay inay wax kasoo fahmaan nidaamka waxbarashada Shiinaha. Nidaamka sida goonida ah indhaha caalamka usoo jiitay waa habka ay isticmaalaan iskoollada loo yaqaan “Shangahai Math Schools” ama iskoolada xisaabta ee Shangahaay.

Ardayda ka timaado magaaladaan oo ku taal Shiinaha ayaa wacdaro ka dhigo imtixaanka loo yaqaan PISA oo ah tartan caruurta kasoo jeeddo waddamada horay u maray/maraya ay ku galaan maaddooyin dhowr ah oo ay ku jiraan xisaabta iyo akhriska. (Shiinahu waddan ahaan oogama qayb galo tartankaan ee magaalo magaalo ayuu u galaa oo dhowr magaalo sida bajin, Shangaay iyo Honkook ayaa ka qayb galo iyagoo kala socdo).

Waxyaabaha iskoolladaan looga sii yaabay ayaa ahaa in ay ku dadaalaan in caruurta saboolka ah aysan ka hoosayn kuwa qaniga ah, taasina waa ku guulaysteen. Is-barbar-dhig lagu sameeyay Shangahaay iyo Iglan ayaa lagu ogaaday in caruurta ay dhaleen waalidiinta xamaalatada ah ee Shangahaay ay aqoon sarreeyaan kuwa ay dhaleen waalidiinta dabaqadda dhexe ah ee Iglan.

Sanadki 2015ki dalka Ingiriiska ayaa heshiish ku saabsan macallimiin isdhaafsi la galay Shangahaay. Ujeedka heshiishkaan ayaa ahaa in Ingiriisku ka barto nidaamka ay isticmaalaan.  Tallaabadaan ayaa na tusayso inaysan ceeb ahayn inaad qofku wuxuu kugu dhaamo aad ka barato. Ingriisku kama xishoon inuu kaalmo aqooneed waydiisto waddan uu ilaa mardhow guumaysan jiray.

Sidaa darteed waxaan isku dayi inaan idinla wadaago sababaha keenay guulahaas. Ujeedka qoramadu waa xog gudbin iyo cashar barasho. Inkastoo aysan suura gal noo ahayn  inaan si toos ah u dabaqno nidaamkaas, hadana waxaa laga yaabaa inaan wax un ka faaiidno.

Macalimiin tayaysan

Sirta koowaad ee iskooladaan ayaa ah inay dhigaan macalimiin tababar sare leh. Macalimiinta iskooladaan dhigo mid walba waxaa uu taqasus gooni ah ku leeyahay hal maaddo iyada unbuuna dhigaa. Inta uusan si buuxdo u shaqo billaabin ka hor waxaa uu soo maraa, macalin walba. shan sano oo tababar ah oo si gooni ahna loogu tababarayo inuu wax baro jaal cayiman. Tusaale, fasalka kowaad ama labaad. Inta uu tababarkaan ku jiro waxaa uu si qoto dheer u bartaa maaddada uu dhigi doono iyo sida ugu fudud ee caruurta uu dhigi doono wax u bartaan. Sidaas ayuu macalin buuxo ku noqdaa asagoo aqoon fiican u leh waxa uu dhigayo iyo cidda uu u dhigayo.

Nidaam Miisaaman

Sirta labaad ayaa ah manhaj jaan go’an oo la isu  miisamay. Manhajka ayaa waxaa ka mid ah in iskoollada Shangahaay la dhigto saacado badan. Caruurtu waxa ay fasallada galaan 7da usbaxnimo waxaa ayna kasoo baxaan 4ta ama 5ta galabnimo (waxay ku xirantahay iskoollada hadba kay qaadanayaan). Fasalkiiba ardo tiro badan-marki loo eego tirade la ogalyahay inay fadhiistaan fasallada waddamada Galbeedka-ayaa fadhiisato, casharraduna waa kuwa gaagaaban. 35 daqiiqo oo uu macalinku leeyahay iyo 15 daqiiqo oo ah cayaar uusan macalinku go’aanmin.

Haddaan garab dhigno kuweenna waqtiga fasalka waa isku mid oo kiiba waa 45 daqiiqo laakiin kuweennu 45ta daqiiqaba macalinka ayaa leh oo caruurta lama siiyo waqti ay iskood wax u sameeyaan si xor ahna mid walba u cayaaro.

Xisaabta caruurta laguma qulaamiyo ee sidii tahaliishi ayaa loo siyaa. Marki la xaqiijiyo inay middaas barteen ayaa mid kale loo gudbaa. Tusaale, caruurta lama baro jajabka ilaa ay kasoo gaaraan fasalka afraad. Inta ka horrayso waxaa la hubiyaa inay meel saareen xisaab-fallada. Sidaasi waxaa ka duwan wadan Ingriiska oo caruurta aan loo eegin waxaan ma barteen balse cabbirka laga qaato sanadka uu jiro ilmuhu. Inta badan waddamada reer Galbeedku caruurtu ma dhacaan ee horay unbaa loo socdaa.

Dadaalka waalidiinta

Guulaha ay Shangahaay gaarto waxaa qayb weyn ka qaato waalidiinta caruurta dhaaly oo waqti iyo lacag dheeraad ahba ku bixiyo wax baridda warasadooda. 80% waalidiintu waxay caruurta u qabtaan macalimiin caawiso iskoolka ka dib. Waxaan soo xusnay in subixii fasalka ay galaan ay kasoo baxaan gabbal-dhici ee goormaa wax kale la sii baraa? Ma aqaan. Laga yaabo in marki ay guriga yimaadaanba mid kale horay kasii billaabaan. Laga yaabo inay casharada qaataan labada cisho ee iskoolka fasaxa laga yahay. Kii ay tahay waxay na tusaysaa in horumarka Shiinuhu waqtiga yar ku gaaray ee dunidu la ashqaraartay uusan ku imaan tamashlayn iyo taagtaagsi.

Gabo-gabo

Dalkeennu wuxuu ku jiraa marxalad kala guur. Waxaan soo marnay dib u dhac ba’an haddana waxaa muuqanayso rajo wanaagsan. Inaan kasoo kabanno dhibkii hore, mid soo socdana aan ka gaashaamanno waxay u baahantahay inaan ubedkeenna wax barno. Marxaladda hadda lagu jiro noo saamixi mayso inaan helno macalimiin tayadaan oo kale leh laakiin waxaan awoodnaa inaan xisaabta ku darsanno inaysan na anfacayn qaabka aan hadda macalimiinta ku dooranno. Sidoo kale, waxaan awoodnaa inaan tababar awoodeenna u dhigmo aan siinno macalimiinteenna.

Waxaan sidoo kale, ka baran karaan kaalinta waalindiinta oo runtii ah midda ugu muhiimsan ee Shangahaay meel gaarsiisay. Haddii ay waaliddiinteennu si dhab ah ugu soo jeestaan inay caruurtooda wax baraan, hubaashi isbadal weyn ayaa dhici. Ugu danbayn waxaan leeyahay yaannan noqon “bartiis yaqaan bar uma kororto” ee aan adduunka kale wax ka baranno.
Ibrahim Aden Shire

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *