Sidi aan
dhowr goor ku celceliyay siyaasi maahi sidaa darteed aad uma daneeyo dhagaysiga
hadallada siyaasiyiinta. Hadba xiisadda kacsan iyo waxa laga doodayo waxaan
kula kulmaa baraha bulshada, aad uguma mashquulo inaan ka faalloodo waayo
maahan maaddo aan xiiseeyo. Laakiin waxaa dhacdo marar badan inaan arko hadallo
si weyn loo faafiyay kuwaasoo saamayn xun ku yeesho shacabka maskaxdooda. Hadallada
caynkaas ah waxay igu qasbaan inaan wax ka dhaho arrimaha taagan.
Middi ugu
danbaysay ee na qabsatay ayaa ahayd hadalkii uu madaxwyne Farmaajo ka jeediyay
shirka wada tashiga ee la xariiray sidii shabaab la isaga celin lahaa. Af-dhaajinti
siyaasiyiinta meelaha waan ku arkayay laakiin kuma mashquulin inaan dhagaysto
hadalka madaxweynaha iyo doodadda ka dhalatay waayo wax lagu mashquulo iilama
muuqan.
Xalay fiidki
goor aan wax qoranayay, xaajiyadunna ay dhagaysanaysay warar Soomaaliya, ayay
igu tiri Jallee Farmaajo ma wanaajin inuu sidaas u hadlana maahayn. Marki aan
kor u eegay wajigeeda waxaa ii muuqatay inay aad ooga niyad jabtay hadalka
madaxweynaha, sababta niyad jabkuna yahay sida loo fasiray. Waxy noqotay inaan
isa saaro laptopki si aan ula dhagaysto hadalka ugana qanciyo nuxurkiisa.
Intaas ka dib waxaa ii muuqatay inay hooyooyin badan oo niyad san maskaxdooda
lagu cayaaray niyad jab iyo walwelna lagu abuuray. Sidaas awgeed ayaan is iri
inta aan kula joogin bal hadalka meesha uu ka nool yahay ha lala wadaago.
Hadalka ku
saabsan in madaxweynuhu yiri dooni mayno askari mushaar ku shaqaynayo ee waxaan
rabnaa dad bilaash ah ugu dhinto dalkooda, waa mid saxan ujeedkiisuna cad
yahay. Waxa laga hadlayo maahan askariga mushaar la siin mahayo waayo mushaarku
waa xuquuq aan gorgortan gali Karin. Maahan mid loo diidi karo ama lagu xujayn
karo. Waxaa ka duwan qof ujeedka uu meesha u yimidba yahay inuu un lacag kaliya
helo. Kaasi waxaa loo yaqaan calooshisa u shaqayste. Qofka noocaas ah dhimasho
ma rabo waayo waqti waxa uu shaqaystay uu ku cuno ayuu rabaa, ujeedka meesha uu
yimidna maahan difaac dal waa helidda xoogaa sandareerta ah.
Ciidamada dalkuna
noocaas maahan in yar mooyee. Intaas qofki fahmi waayay siyaasi maahan ummadana
inuu wax u sheego ma habboona. Laakin waxaa hubaal ah in iyagoo fahamsan waxa
laga hadlayo ay si ku tala gal ah hadalka u qalloociyeen si ay danahooda ugu
gaaraan.
Midka kaasi
ka muhiimsan waa erayga uu madaxweynuhu isticmaalay ee “caqiido”. Waxaa u yiri
askarteennu caqiido wadaninimo ma lahan ee waa inaan barnaa in haddii ay
wadankooda u dhintaan ay janno galayaan sida shabaabba kuwooda u baraan. In janno
la galo iyo in kale maahan arrin aadane sheegi karo. Waa ammuur qaybi ah Eebe
kaliya ayaana ka war hayo laakiin waxaa
la noo sheegay sida lagu kasbado iyaduna wadaniyad ka mid maaha haddii aan
raacno qaabka hadalka loo yiri. Balse waxaa ka mid ah in qofku isdifaaco,
maalkiisa iyo reerkiisuna difaacdo, dhulkiisa lagu soo duulayna difaacdo taasi
oo isgu imaanayso in shaqada ay hadda hayaan askarteennu sidaasi tahay, waase
haddii niyad lagu daro.
Hasa yeeshee
ma saxbaa in la yiraahdo askarteennu ‘caqiido’ ma leh? Haddase ma loo yeeli
karaa caqiido? Waxaa is leeyahay erayka ‘caqiido’ kuma habbonayn jumladaan. Afsoomaligu
waa luuqad faqiir ah sidoo kalana aan helin cid hormariso. Sidaa darteed waxaa
aad ugu adag dad fagaarayaasha ka hadlo inay helaan erayo ku habboon waxa ay
rabaan inay dhahaan. Taasi waa midda aan had iyo jeer u aragno madaxdeenna oo
isticmaalayo afaf qalaad.
Caqiido waa eray loo isticmaalo arrin la
xariirto diimaha. Waa arrin aad loogu kala qaybsanyahay. Dad badan oo kala
caqiido ah ayaa dal ku wada noolaan karo wax bandanna ka dhaxayn karaan. Waxay noqon
karaan muwaadiniin siman oo dalka wada difaacdo, waa arrin dhexdeenna caan ka
ah. Ma dhici karto in la helo askar isku wada caqiido ah xagga diinta (waxan ka
hadlayo caqiidada hoose ee kala qaybiso muslimiinta).
Laakiin
waxaa la heli karaa askar iyagoo kala caqiiqdo ah u wada dhinta dalka iyo
difaaca diinta. Sidee ku dhici kartaa? Wadamada galbeedka caqiido waxaa ooga
dhigan aydhiyooloji. Waddan walbana waxaa ku wada nool dad kala aaminsan
aydhiyooloji aad isu diidan hadana marki ay imaado danta wadanka waa ul iyo
diirkeed. Sababta ayaa ah waxaa jiro wax kale oo mideeyo kaasoo lagu magacaabo ‘qiyam’
(values).
Qiyam waa
eraygi uu jeeday madaxweynuhu sidaan isleeyahay waana midka u baahan in laga
dhiso askarta iyo dhammaan bulshada guud. Qiyamku waa mid guda balaaran oo ay
soo hoos galayaan dhaqanka, diinta iyo wax walba oo qiimo weyn noo leh. Waa waxa
aan u taagannahay nolosheenana ka turjomayo. Nasiib darro maahan mid si fudud
loo baran karo. Waa arrin u baahan in lagu ababiyo ilmaha dhashay, iskoollada
lagu dhigo, masaajidda laga jeediyo goobaha shaqooyinkana lagu faafiyo.
Waa mid la
rabo in laga arko hab-dhaqanka madaxda, culimada iyo aqoonyahanka. Waa mid
haddii aan ku guulaysanno badali lahayd qabyaaladda. Hadda booska qiyamka waxaa
noogu jiro qabiilka, sharafa kugu danbeeyo ee aan difaacanno waa qabiilka. Inta
la helayo wax taasi badalana way adag tahay in la helo bulsho leh qiyam
mideeyo.
Waxaan kusoo
xirayaa qormadaan in guud ahaan hadalka madaxweynuhu khalad lahayn laakiin eray
xulashadiisu aysan wacnayn. Madaxdu ha ogaadeen in erayada ay isticmaalayaan
saamayn weyn ku leeyihiin bulshada guud iyo horumarka dalka. Waa in si dagan
loo xushaa erayada lagu hadlayo si miisamanna hadalka loo dhigaa si loo yareeyo
fursadda warxumo tashiilka.
Ibrahim Aden
Shire
02/11/17
Comments
Post a Comment