Skip to main content

Guul usoo Hoyatay Ardayda Soomaaliyeed



Maanta waxaa lasoo daabacay Jaamadaha ugu tayada wanaagsan dalka Soomaaliya. In la helo liis tilmaamayo kala sarraynta jaamacadaha dalka waxay ahayd arin aan aad ugu ciil qabay, qalbigayna aan ka bixin ilaa 2015ki. Mar ayaan xataa ku fakaray inaan sameeyo shabakad howshaas u qunto laakiin waqtiga badan iyo qarashka badan ee ay u baahantahay ayaa iga horjogsaday inaan ku dhaqaaqo. In cid kale hadda isku daydana waan dhiiri galinayaa. Maxay muhiim u tahay in helo liiskaan?

In ay aqoonsi caalamai ah heleen ka sakow, aritaan waxay soo kordhinaysaa labo faaiido oo aad u muhiim u ah. Saaka marki aan arkay liiska waxaan filayay in kaalinta koowaad ay noqon doonto Cammud. Marki aan arki waayay waxaa qalbigayga kusoo dhacay tolow warkaan ma lagu kalsoonaan karaa? amay qolyo Soomaali ah oo qabiil ka buuxo qoreen iyo suaalo la mid ah.

Goor danbe oo aan eegay boggayga Facebook-ga waxaan arkay saaxiibo kale oo iyaguna yaabkaas soo qoray suaalo badanna ka keenay sababta Cammuud looga waayay liiska. Sababta yaabka nagu ridday ayaa ah in dadkeennu caan ku yahay meel ku dhag. Waxaan baranay in Cammuud ahayd jaamacad waa hore la aasaasay, dalka ugu tayo fiicnayd laakiin waxaanan xisaabta ku darsan in la fiicnaado ama la xagsado booska fiican inay dadaal u baahantahay dadka oo dhanna u furan tahay. sidaa darteed in lagaa dheereeyo ay suuragal tahay.

Faaiidada koowaad ee qiimayntaan ayaa ah in Jaamacaduhu ku tartamaan kaalimaha hore. Tartankaas wuxuu keeni in maamulayaashu qarash badan galiyaan horumarinta jaamacadda. faaiidada badan ee awal jeebka lagu shuban jiray iyo ardayda loo qoran jiray lacag kaliya ayaa meesha ka bixi. waxay fahmi in jiritoonkoodu ku xiranyahay haggaajinta tayada waxbarashadooda, ugu danbayna dalka iyo dadkuba way wada najixi.

Faaiidada labaad ayaa ah in ardaydu heli doonaan meel ay u noqdaan marki ay dooranayaan jaamacadda. Waxaa meesha ka bixi qaabka hadda aan ubadkeenna jaamacadaha ugu doorno oo ku dhisan waxa la yiri. Waxaan aqaan dad badan oo Xamar dagan ama aan ka fogayn oo caruurtooda u diro Cammuud iyagoo aaminsan inay tahay jaamacadda ugu wanaagsan dalka. Hadda waxa la heli doorasho xor ah oo la yaqaan sababta lagu doortay.

Inkastoo aysan ii suura galin inaan helo qaabka qiimaynta loo sameeyay iyo meelaha la eegay, hadana halkaan waxaan idin kula wadaagi meelaha laga fiiriyo tayada jaamacaha adduunka marki la is barbar dhigayo tayadooda. 

1: Shuruudda Aqbalka: Sida ay u kala adag yihiin shurrdaha ardayda lagu qaato ayay u kala sarraysaa tayada jaamadaha. Jaamacadaha u furan lacagta waxay ka fakaraan siday ku heli lahyaan arday faro badan halka kuwa tayada ka fakara ay qaataan arday u qalanto jaamacaddooda oo ka bxii karto imtixaanadda adag ee ay dajistaan. 

2: Tashiilaadka: Qalabka yaallo jaamacadda wuxuu muhiim u yahay waxbarashada ardayda. waxaa la eegaa buugta taal maktabka, kumbiyuutarada, Internetka, baaxadda maktabka iyo waqtiyada uu furanyahay iyo in ardaydu heli karaan wax walbo oo ka caawinayo waxbarshada. Jaamacad ardaydu iska sugto labo kumbiyuutar ama kuraasta maktabka la isu banneeyo ma gaari karto mid maktabkeedu habayn iyo maalinba furanyahay wax walbana yaallaan.

3: Saamiga arday-macalinka: Waxaa muhiim ah isu dheeli tirnaanta macalimiinta iyo ardayda. Jaamacadaha lacagaha u furan waxay qaataan arday tiro badan iyo macalimiin dhowr ah. Haddii macalimiintu yaryihiin waxaa meesha ka baxayo tayada waxbarshada waayo macalinka shaqada laga rabo waa mid faro badan. tusaale, haddii 150ki ardayba hal macalin kusoo aado waxaa dhacayso inuusan caawin kan hooseeyo, inuusan ka jawaaban emailadda ardaydu usoo diraan, inuusan ballan u samayn ardayki u baahan talo. Waayo waxaa uu ka badin karin diyaarinta casharada iyo sixidda imtixaannada.

4: Cimli-baarista: Cilmi baaristu aad ayay muhiim ugu tahay qiimaynta wax barashada sare. Haddii jaamacadu waqti iyo qarashba ku bixiso baarid waxay yeelanaysaa aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna wax kusoo kordhin nolosha aadanaha taaso ah sababta ugu muhiimsan ee marki horaba wax loo baranayay. Tayada cilmi-baarista ay jaamacaddu samayso sida ay u kala sarrayso ayay tayada guudna u kala sarrayn. waayo tayada baarista ayaa ku xiran cidda baaritaanka samaysay taasina waxay ka dhigantahay macalimiin fiican ayaa joogo.

5: Macalimiinta: Meelaha kale ee la eego waxaa ka mid ah aqoonta macalimiinta. imisa ayaa PHd ah imisa ayaa Master ah. Waayo aragnimo intee la eg ayay leeyihiin, horay baaritaanno ma u sameeyeen,  iyo kuwo kale ayaa la is waydiiyaa. 

6: Hantida jaamacadda: Waxaa muhiim ah oo iyaduna la eegaa in jaamacaddu lacag leedahay iyo inay faqri tahay. haddii jaamacaduu qani tahay waxay heli kartaa lacag badan oo ay ku maal galiso cilmi-baaris, waxay sidoo kale dooran kartaa macalimiin qiimo badan. Laakiin haddii ay faqiir tahay wixii laga tagay waxaan ahayn ma awooddo.

Liisku intaas waa ka dheer yahay oo waxaa ku jiro sida ardayda kasoo baxdo shaqo u helaan, sida ardayda dhigato u arkaan tayada jaamacadda iyo kuwo kale, laakiin inta aan kor ku xusay ayaa ugu muhiimsan innaguna aan ku soo gaabinaynaa. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2

Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo.  Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay. Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta...

Contact Form

Name

Email *

Message *