Skip to main content

Dhib noocee ah ayuu soo kordhiyay mashruucii "Aada Dugsiyada"



Sanadi 2013ki, hayadda UNICEF iyo dowladda dhexe ayaa si wada jir ah u daahfuray mashruuc loogu magac daray Aada Dugsiyada. Mashruucaan oo loogu talagalay inuu socdo muddo saddex sana ah, ujeedka laga lahaa ayaa lagu sheegay dugsiyaynta caruurta dan-yarta ah ee aan tagi karin iskoollada lacagta ah.

Sidoo kale, mashruucu wuxuu qayb ka ahaa tallaabooyin lagu xoojinayay wasaaradda waxbarashada iyo hayadaha dowliga ah ee ka waxbarshada ka shaqeeyo. Waxaa la qiyaasay in hal milyan oo caruur soomaaliyeed ah uu mashruucu iskuuulayn doono. Mashruuca waxaa fulinaysay UNICEF oo dhaqaalaha lasoo marsiiyay laakiin waxaa maalgaliyay waddamada Maraykanka, Ingriiska iyo Nederland. 

Maadaama Soomaalidu musuq iyo xatooyo caan ku noqotay, deeq-bixiyayaashuna aysan aaminin, waxaa caqabad noqotay sidii macallimiintu mushaarkooda ku heli lahaayeen iyadoo aan wax lagala harin. Xalka kaliya ee muuqday wuxuu noqday in la yiraahdo macallin walba isaga koontadiisa toos lacagta ha loogu diro, iskuulka uu ka shaqeeyana yaan loo marin. 


Macallimiinta mashruucaan loo howl galiyay saddex qaybood ayay kala yihiin. Qaybta koobaad waa macallimiin cusub, iskuullo cusub iyo arday cusubna lagu billaabay. Arrinkaan wuxuu ka dhacay caasimadda waddanka Muqdisho kaliya. Dawladda ayaa dayac tirtay dugsiyadiidii dawladdii hore lahayd. Kadib waxay u qabteen macallimiintaan ardayna waa la geeyey si bilaash ah wax lagu barayo. Maaddaama lacagtu ay yartahay, tan kasii daranna ay joogto noqon weyday oo ay dhawr bilood maqnaanayso, waxaa dhacday labo dhibaato: b) iskoolladaas masii shaqayn ee waa xirmeen, t) macallimiintii iyaga oo aan wax shaqo ah qaban ayay lacagtu usoo dhacdaa dhawrkii biloodba mar.

Qaybta labaad waa macalimiin cusub markii lacagta loo qorayey wax iskuul ah oo ay macalim ka ahaayeen ma jirto, markii lacagta loo qorayna badankoodu kuma aysan biirin iskoollo horay ujiray, kuwo cusubna ma aysan billaabin ee iyaga oo danahooda kale wato ayay lacagtan amin la'da ah isaga soo dhacdaa.

Qaybta saddexaad waa macallimiin ka shaqaynayey iskoollo si gaar ah ay umaamulaan dad isxilqaamay oo bulshada ka tirsan, ama ganacsi ha u abuureen ama si mutadawacnimo ah ha u abuureene. Waxay ahaayeen macallimiin horay mushaar u qaadan jiray.  Maamulka iskuulka iyo wasaaradda waxbarashadu waxay ku heshiiyeen in ay qabtaan arday danleey ah oo aysan lacag ka qaadan macallintana lacataas la siiyo.

 Macallimiintii lacagta telka ayay ugu soo dhacdaa. Maamulkii iyo macallimiintii waxa ay isku qabteen lacagtaan telka macallinka ku dhacayso yaa iskaleh. Iskuuladii noocaan ahaa siyaabo kala duwan oo dhib ah ayay u saamaysay. Qaar waxay ku qasbanaadeen in lacagta macallinka qaar loo daayo inta kalena uusoo celiyo. Macallimiinta qayb ka mid ah heshiiska waa diideen waxaana halkaa ka billaamay dagaal keenay in macalinkii ardada wax u faaiidaynayey iskuulkii laga cayriyo lacagtiina uu duurka ku qaato ama laga jaro. Macallimiin badanna waysii shaqaynayaan iyaga oo heshiiskan aan ku qanacsanayn uur fayoobaanna aysan ka dhaxayn iyaga iyo maamullada iskoollada. Waxaa jiro macallimiin iyo iskuullo aad uyar oo si wanaagsan arinkooda ku dhamaystay.

Inkastoo habka lacag bixintu uu u muuqday tallaabo hufan oo daahfuran, waxay noqotay mid furtay jid cusub iyo musuq iyo isdaba marin waji kale leh. Waaxda waxbarashada oo ahayd meelaha ugu roon dalka ayay galisay mugdi musuq oo aan la dareemi karin.


Waxay dhalisay macallimiin iyaga oo aan shaqayn mushaar qaato, kuwo heshiis aan sax ahayn la galay maamullada iskoollada, kuwa joogid iyo maqnan u dhaxeeyo oo wali mushaarkoodu usoo dhaco. Waxaa jiro kuwo waddanka ka tagay oo wali xisaabti aysan ka go’in.


Intaas waxaa dheer, in la gaaray hadafki laga lahaa mashruuca iyo in kale lama oga. Wax xariir ah oo ka dhaxeeyo UNICEF iyo iskoollada ma jiraan. Cid kale oo la xisaabtan u kormeerto iskoollada ma jirto. Lama yaqaan in caruur dan-yar ah loo ogolaaday iskoollada iyo in kale. Waqti aan galiyay inaan helo wax qiimayn ama warbixin ah oo laga qoray mashruucaan kuma guulaysan inaan helo. Mid ka mid ah maamullada dugsiyada mashruucaan ka faaiidaystay oo aan waydiiyay inay jirto cid kula xisaabtanto lacagta la siiyo, wuxuu yiri, "maalinti macallimiinta la qoray ayaa noogu danbaysay cid ka hadlayso mashruuca Aada Dugsiyada".  

Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa saddex marki mashariic horumarineed laga hadlayo. Somaliland, Puntland iyo Bartammaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaan ka hadlayo waa midda danbe. Labada hore wax xog ah kama hayo cid aan kala xariirayna ma jirto.

Lama dhihi karo gabi ahaanba waa lagu qasaaray mashruuca waayo ma jirto cid baaritaan madaxbannaan ku samaysay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inay jiraan meelo si wanaagsan looga faaiidaystay mashruuca oo aan anigu ka warqabin. Laakiin waxaa hubaal in mashruucu dib u eegid uu rabo.

Waxaa muhiim ah inay dowladdu arrintaan eegto saxdana wixii khaldan. Waxaa habboon in wixii la bixinayo la mariyo maamullada iskuullada iyagana lagala xisaabtamo fulinta waxa lagu heshiiyay. Xataa haddii wali lagu qanacsanyahay sida hadda loo bixiyo mushaarka, waxaa muhiim ah in maamullada iskuullada ay noqdaan kuwa soo gudbinayo cidda joogto iyo midda maqan, warbixin joogta ah oo ku saabsan macallimiinta iyo shaqadoodana ay soo diraan. Sida uu hadda xaalku yahay cidna faaiido kuma qabto, qarashna wuxuu baxaa, caruurti Soomaaliyeedna waa “dawacooy af ku dufanleey”.

Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *